Wiilka reer GURICEEL ee dartiis loo dacweynayo dowladda dalka Netherlands

Amsterdam (Caasimada Online) – Munasar Muxiyadiin waa da’yar Soomaaliyeed oo isaga soo cararay dalkiisa kadib markii argagaxisadu dishay xubno badan oo qoyskiisa ah – walaalkiisna wuxuu dhintay isaga oo isku dayaya inuu usoo tahriibo Yurub. Wuxuu ugu dambeyntii magangalyo ka helay dalka Netherlands. 

Laakiin markii uu tagay xarunta magangalyo doonayaasha lagu soo dhaweeyo, wuxuu arkay boqollaal kale oo isaga kahor timid oo safka ku jira,  oo xero dhinac ku heysa laamiga ku hoyda – wuxuu sheegay gugaca roob dhibco waaweyn inay qooyeen sariirtiisa, waxaa kale oo uu sheegay in dagaal joogto ah uu ka jiro xerada dhexdeeda. 

Golaha Qaxootiga Netherlands ayaa sheegay in sheekada Munasar iyo kuwa badan oo lamid ah ay ku qasabtay inay dacwad ka gudbiyaan dowladda – iyaga oo ku eedeynaya wax ay ugu yeereen la-macaamil wuxuushnimo ah oo lagula dhaqmayo dadka dhawaangalka ah. 

“Kaamamka qaxootiga ee meelaha colaaduhu ka jiraan, kama jirto doorasho kale,” ayuu yiri afhayeenka guddiga, Martin Van der Linden. 

“Laakiin gudaha Netherlands kama jirto wax dhibaatooyin qaxootiga la xiriira ah. Waxaa ka jira xasarado siyaasadeed taas oo sababtay in dadka ku nool Xerada Ter Apel ay ku dibjiraan bannaanka.”

Boqollaal ayaa lagu qasbay inay gogladaan meel dhiiqo ah, Guddiga ayaana sheegay in xaaladda xarumo kale oo magangal-doonayaasha lagu martigeliyo ay lamid yihiin. Qaar badan oo xarumahaas kamid ah mahelaan adeegyada aas-aasiga ah oo ay u baahan yihiin. 

“Adduunyada cid iigu nool malahan,”ayuu yiri Munasar oo sheegay inuu kasoo cararay degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud kadib dagaal ay Al-Shabaab ku qaaday labo sannadood kahor. 

“Waxay dileen hooyaday, aabbahay iyo walaalkey iga weyn,” ayuu yiri. 

Isaga oo ay ilmadu ka da’ayso, wuxuu wakaaladda wararka Reuters u sheegay inuu lasoo baxsaday walaalkiis Cabdullahi kaas oo badda ku dhintay, iyaga oo doonaya inay uga soo tallaabaan doon kasoo waday Turkiga dhinaca Giriiga. 

“Wuxuu ahaa riyadaydii iigu dambeysay,” ayuu yiri. 

Qaar kale oo harjad adag kala soo kulmay safarradoodii Suuriya, Iiraan iyo Turkiga ayaa sheegay inay ku adkeyd helidda gabaad fiican oo ay ku hoydaan. 

Van der Linden wuxuu sheegay in Netherland aysan ahayn dal bani-aadnimada yaqaan. “Runtii dowladeennu way ku fashilantay intaan oo sannadood inay arrintan wax ka qabato,” ayuu yiri. 

Dhimidda iyo yareynta dakhliga loogu tala-galay in lagu furdaamiyo howlaha iyo adeegyada loo sameynayo soo-galootiga ayaa abuurtay xaalad wuxuushnimo ah oo kahor imaanaysa xeerarka Yurub uga degsan ilaalinta xuquuqda qaxootiga. 

Guddiga oo garmaqalka dacwadooda la filayo in laga dhageysto 15-ka bisha September, waxay doonayaan in la horumariyo nolosha ka jirta xeryaha oo dadka loo damaanad-qaado helidda biyo nadiif ah, daryeel caafimaad iyo cunnooyin. 

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in xeryaha ay buux dhaafiyeen soo-galooti hor leh. 

“Meelihii oo dhan way buuxaan; boqollaal dad ahna way soo galayaan maalin walba,” ayuu yiri. 

Qaxootiga kasoo baxsanaya dagaalka Ukraine oo aan u baahneyn inay magangalyo kusoo galaan Holland iyaguna way buux dhaafeen.