Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cumar Filish ka reebay shirkii golaha amniga qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa markii u horeysay laga qeyb-galin shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo shalay uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo ay joogeen inta badan wasiirada muhiimka ah iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa lagu wargelin Filish oo kamid ahaa masuuliyiintii sida aadka ah ugu dhawa madaxweynihii hore.

Go’aanka Filish looga qeyb-galin waayey shirka ayaa la rumeysan yahay in uu ka yimid madaxda sare, ayada oo uu si weyn u dhaliilay ku-xigeenka Cumar Filish, oo kamid ah gacan-yareyaasha madaxweynihii hore.

Cali Yare ayaa nasiib darro ku tilmaamay in liiska guddiga Amniga Qaranka ee Madaxtooyada kasoo baxay laga reebo Guddoomiyaha gobolka oo ahaa xubinta ugu muhiimsan guddiga marka laga reebo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh qabto ayaa waxa ka qeyb-galay: Wasiirka Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda, Taliyeyaasha Boolisak iyo Nabad-sugida, La-taliyaha madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka xooga ay uga qeyb-galeen dhanka Zoom-ka.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xili lasoo warinayo in madaxda sare ay qorsheynayaan inay xilka guddoomiyaha Gobolka ka qaadaan Cumar Filish.