5 qodob oo looga hadlayo shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan-wadareedka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa galay maalintii labaad, kaasi oo maanta lagu gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Soomaaliya iyo hay’addaha kala ee dowladda.

Kulanka ayaa waxa furay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, wuxuuna faah-faahin ka bixiyay qoddobada diirada lagu saarayo shirka, kuwaasi oo kala ah; Dib u eegista Dastuurka, Amniga iyo Xasilinta dalka, Cadaaladda & Garsoorka, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobada shirka looga hadlayo dood dheer ka yeelanayaan Golaha Wasiirada iyo khubaro qeyb ka ah kulanka oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sida qorshuhu ahaa kulan-wadareedka Golaha Wasiirada ayaa lasoo gaba-gabeynayay maanta, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in maalinta berrito ah lasoo geba-gabeyn doono, maadama ay weli socdaan doodaha.

Kulan-wadareedka Golaha ayaa lagu xoojinaya sida ay lagama maarmaan u tahay wada-shaqeynta hay’adaha shaqo wadaaga ah, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Xamza oo shalay furitaanka kulanka ka hadlay waxa uu ku adkeeyay Golaha sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samata-bixinayo bulshada tabaaleysan.