Wiilkii calanka Somalia ku labisnaa ee Hargeysa lagu xiray oo xabsiga laga daayey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay maanta xabsiga kasii deysay Cabdiraxmaan Aar.

Cabdiraxmaan Aar ayey Ciidamada Somaliland 14-kii bishan May kasoo qabteen bartanka magaalada Hargeysa, isagoo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa Cabdiraxmaan Aar la hor-geeyay khamiistii hore, taasi oo dhageysatay eedihii loo haystay, iyadoona dib ugu jartay 7-cisho oo rumaan ah, oo maanta ku eekeyd.

Cabdiraxmaan Aar ayaa waxa la filayey in dib maxkamada Gobolka Maroodi-jeex loogu soo celiyo mudadaas todobaadka ah markuu soo dhameysto, balse maanta ayaa dib loogu soo celiyay xoriyadiisa, taasi oo u muuqata in xukuumada Kulmiye garwaaqsatay xariga sharci-darada ah ee ay kula kacday wiilkan dhalinyarada ah.

Wiilkan loo haystay in uu ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah ee maanta la sii daayey, ayaa wuxuu Guddoomiye ka ahaa urur dhalinyarada ka wacyi-geliya dhibaatada qabyaalada oo lagu magacaabo “Ururka qabyaalad-diidka”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com