Dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkenley, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Militariga Soomaaliya.

Dagaalkaan oo aan la ogeyn rasmi ahaan waxa sababay, ayaa waxaa la sheegay Ciidan degan Xaafadda Xoosh oo Militari ah inay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga sidaasina dagaalka uu labada dhinac ku dhexmaray.

Inta la xaqiijiyey dagaalkaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal askari halka tira kale ay ku dhaawacmeyn, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada ay kala wateen sarkaal lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne  oo ka tirsan guutada Saddexaad ee Millateriga Soomaaliya iyo mid kale oo Magaciisa lagu soo koobay Ziidii.

Wararka ayaa sheegaya in meesha lagu dagaalamay uu yaalo gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidankii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinley & Saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobtii lagu dagaalamay ayaa halkaasi ku soo arkay maydka Askariga ka tirsan Ciidamada Militariga ee halkaasi lagu dilay & gaari meesha yaallo.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dagaalkooda, waxaana dadka ku nool Xaafada Xoosh ee degmada Dharkleenleey ay sheegeen inay cabso xoogan soo wajahday, isla markaana qeyb ka mid ah Ciidamadii dagaalamay ay weli  Xaafada ku sugan yihiin.

Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta laga qaaday Askarigii la dilay oo loo qaaday Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com