Xiisadda Puntland iyo Somaliland oo sii xoogeysaneysa iyo masuuliyiin xilalka iska casilay

Badhan (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, iyadoo ciidamo badan lagu arkayo deegaanada gobolkaasi.

Xiisadda ayaa ka korortay kadib markii saraakiil badan oo kasoo jeeda dhanka Somaliland ay ku biireen Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya inay masuuliyiin kale iscasilaad ku dhawaaqeen.

Baadhasaabkii Somaliland ee Bariga gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali, ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoo sheegay inuu haatan kulamo la qaadanayo odayaasha deegaanka.

Mr, Soomaali wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay go`aankiisa, wuxuuna cadeeyey in uu diyaar u yahay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa waxyaabaha horumarka ah ee kasocda deegaankiisa, Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca wararka aan ka heleyno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamo badan ay gaarayaan deegaanada gobolka, kuwaasi oo ka tirsan labada maamul.

Dhawaan Puntland ayaa shaacisay inay isku soo dhiibeen ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsan Somaliland, waxaana sidoo kale ay sheegeen inay saraakiishii hogaamineysay isku dhiibtay Puntland.

Labada maamul ayaa isku haya maamulka deegaanada Hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Caasimada Online
Xafiiska Sanaag
Caasimada@live.com