Xaaf: ” Dowladda Soomaaliya waxay shan saacadood igu xayirtay Hawada midaasna waa…”

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Galmudug.

Xaaf oo saxaafadda la hadlay marka uu gaaray Magaalada Cadaado ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay shan saacadood ku xayirtay hawada Soomaaliya midaasna ay muujineyso faragelin toos ah.

Madaxweynaha Xaaf ayaa maanta si weyn looga soo dhaweeyey Magaalada Cadaado, wuxuuna markii hore ka dagay Magaalada Bebera ee Maamulka Somaliland sida aad ku akhristateen wararkeenii hore.

Wuxuu sheegay in hawada laga xayiray isla markaasna loo diiday muddo shan saac ah, halkaan hoose ka fiirso muuqaalka Madaxweynaha oo la hadlay saxaafadda: