Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gelinka dambe soo gaaray Magalada Muqdisho.
Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto deegaanada Maamulka Galmduug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu magaalada Muqdisho kula kulami doono madaxda dowladda Federaalka.
Xaaf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadlo fulinta ballamihii la galay, oo ay ugu horeyso inuu qaato lacagtii ay dowladda Soomaaliya kula heshiisay in la siiyo si uu doorasho u qabto.
Madaxweyne Xaaf iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa kulan ay ku qaateen Magaalada Cadaado lagu kala saxiixday heshiisyo aan saxaafadda lala wadaagin.
Heshiisyadii la kala saxiixday ayaa waxaa kamid ahaa inuu Xaaf yimaado Muqdisho isla markaasna uu la fariisto madaxda ugu sareeyo dalka si loo dhameystiro heshiiska labada dhinac.
Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu hal sano tagin Muqdisho iyo gurigiisa halkaas ku yaalay taasina ay sabab u aheyd khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda u muuqdo in xal laga gaaray.
Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]