Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo go’doon ku jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taasi oo go’doon galisay xaafado ka tirsan magaalada.

Waxaa ka abuurmay xaafadaha qaarkood shabakado noocyo badan oo fuliya dilka iyo dhaca, waana kuwa loo yaqaan “ciyaal weero”, laakiin leh magacyo hoosaadyo kale, kuwaasi oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaafadaha ay ka taagan yihiin arrimahaan ayaa waxa kamid ah xaafadada lagu magacaabo Cali Geedi, Burka Diikow oo Kaaraan ka tirsan iyo Ceel Sab-laale, Macalin Nuur, Siliga-Americanka oo ka tirsan Dharkeenley.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u socda, iskana soo horjeeda, iyaga oo si gaar ah u beegsanaya dadka socotada ah iyo xitaa kuwa ku sugan guryahooda.

Xaafadahaan ayaa habeenkii ku jira go’doon xilli lagu gudo jiro tobankii dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaga oo sheegay dadka deegaanka inay cabsi darteed uga go’een tagida Masaajida iyo goobaha ciibadada, taasina ay meesha ka saartay inay jamac ku tukadaan Taraawiixda iyo Taajudka.

Dhibaatada ay kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ku hayaan bulsho ku nool gobolka Banaadir ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo dhawaan uu Booliiska sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo ka tirsan dhalinyaradaan.

Howl-galada ay ciidamada Booliska ku baacsanayaan ciyaal weerada ayaa u muuqda kuwa aan waxba ka tarin amni darada ay horseedka u yihiin, ayada oo degmooyinka qaar looga barakacay kooxahaas.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii ah ay la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka.