Xaalad cakiran oo ka taagan D/Mareeb kadib dab kacay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa goordhoweyd wajahday arrin halis ah, maadama uu dab xoogan ka kacay booyad siday shidaal oo taagneyd kaalin shidaal.

Dadweynaha ku nool magaaladaasi ayaa muddo badan la tacaalayey daminta dabka ka dhashay booyadaasi shidaal oo ka holcaysay goob u dhow xarunta Wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha Galmudug.

Muddo kadib waxa lagu guuleystay daminta dabkaasi oo kaalin mug leh ay ka qaateen bulshada ku nool Dhuusamareeb, iyaga oo daminta dabkaasina u adeegsaday sakeelo ciid ah iyo biyo lagu keenay booyado.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ma jiro khasaare hantiyeed oo badan oo ka dhashay dabkaasi, maadama ay bulshadu ka hortageen inuu kusii fido qeybaha kale.

Inkasta oo ilaa hadda si dhab ah loo ogeyn sababta keentay dabkaasi xoogan ayaa haddana waxay banaanka keentay arrintaasi dayaca baahsan ee ay wajaheyso magaalada Dhuusamareeb.

Magaalada ayaa ilaa hadda laheyn hal dab-damis oo ka qeyb qaata daminta dab xoogan oo dhasha, midaasi oo sababi karta khasaare hor leh oo naf iyo maal leh.