Daawo: Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo digniin adag kasoo saaray laba arrimood

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in waayahan dambe ay soo bateen gaadiidka sida sharci darrada ah loogu buufiyey astaanta ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa digniin u diray dad uu sheegay in si sharci darro ah ay u isticmaalaan gaadiid lagu buufiyey astaanta militeriga Soomaaliya, waxuuna sheegay in cidii lagu arko hada kadib ay kala wareegi doonaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan askar aan ka tirsaneyn militeriga Soomaaliya oo iska gashada dareyskooda, waxuuna sheegay in badankood ay u shaqeeyaan hey’ado, shirkado iyo goobo kale oo gaar loo leeyahay, isagoo tilmaamay inay sharciga la tiigsan doonaan dadkaas.

Dhanka kale Taliye Odawaa ayaa digniin culus u diray maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigta gobollada dalka, kuwaasi oo uu tilmaamay in taliskiisu uu tallaabo adag ka qaadi doono.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyey deegaano ka tirsan gobollada Shabeellooyinka ay ka soo yeerayeen cabashooyin xoog leh oo u aadan isbaarooyin si-xad dhaaf ah loo soo dhigay.

Hoos ka Daawo