Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda abaareed ee ka taagan dalka ayaa kasii dareysa, iyadoo deegaanno ka tirsan gobolka Bakool ee maamulka Koofur Galbeed ay ka barakaceen qoysas badan oo saamayn taban ku reebtay abaarta.
Qaar kamid ah dadkaan ayaa gaaray gobolka Jubada Hoose. Dadkan barakacay ayaa sheegay in xoolahoodii ay meelo dhexe uga tageen kadib haraad darran oo soo wajahay, isla markaana ay awoodda socodka gabeen.
Tani waxay calaamad u tahay xaaladda adag ee soo foodsaaray xoolo-dhaqatada oo u muuqda in ay ka luminayaan hantidoodii ugu weynayd oo aheyd xoolaha.
Qof kamid ah dadka isaga kala gudbay deegaan hoostaga Xudur oo dhaca Bakool illaa Afmadow oo gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in dadkii barakacay ay bilaabeen in ay u dhinteen gaajo iyo biyo la’aan baahsan.
Sidoo kale, haweeney ka mid ahayd safarka qoysaskaasi oo ku foolatay intii ay waddada ku jireen ayaa geeriyootay, iyadoo aan helin daryeel caafimaad, sida ay sheegeen eheladeeda. Ubadkii ay dhashay ayaa la sii watey.
Xaalado dhanka nolosha ah ayaa soo wajahay dad u badan Xoolo dhaqato oo aan weli tirakoob rasmi ah lagu samayn balse ka barakacay Abaarta ka jirta Gobollada Dalka, Abaartu waxa ay kamid tahay aafooyinka sababa barakaca Bulshada.
Xaalad nololeed oo aad u adag ayaa soo wajahay dad u badan xoolo-dhaqato aan weli la tirakoobin, balse ka soo barakacay abaarta baahsan ee ka jirta gobollada dalka. Abaarta ayaa waxay kamid tahay aafooyinka sababa barakaca bulshada.
Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay maamullada Koofur Galbeed, Jubbaland iyo dowladda dhexe oo ku aadan arrintaan. Si kastaba, magaalooyin kala duwan ayaa lagu dukaday salaad roob-doon ah, iyadoo bulshada ay Alle ka baryayaan in uu roob barwaaqo leh u soo hooriyo.
Soomaaliya ayaa weli la tacaaleysa abaaro soo noq-noqday oo ka dhashay isbeddelka cimilada, kuwaas oo malaayiin qof geliyay xaalad cunto yari iyo nuglaansho.
Sidoo kale waxaa laga digayaa in xaaladda hadda jirta ay sababi karto macluul haddii aan si deg-deg ah loo helin gargaar ku filan.

