Washington (Caasimada Online) – Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa shaacisay liis ay ku qoran yihiin “dad shisheeye ah oo galay dambiyo culus”, taasoo ka dhalatay tallaabooyinka maamulka Donald Trump uu ku adkeeyay dadka soo galootiga ah.
Liiskan ayaa lagu sheegay in dambiilayaasha ay hadda ku jiraan gacanta Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE), iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal dambiyeed oo kala duwan.
Warbixinta ayaa muujisay sawirrada siddeed nin oo Itoobiyaan ah iyo hal haweeney, waxaana la shaaciyay magacyadooda iyo dambiyada loo haysto, iyada oo sidoo kale la xusay gobolka ay ka yimaadeen gudaha Mareykanka.
Itoobiyaan ka tirsan dadka la shaaciyay ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilal, ka ganacsiga daroogada, dhac iyo falal kale oo xiriir la leh dambiyada abaabulan.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dhammaan magacyada lagu qoray liiskan la xukumay, marka laga reebo hal qof oo weli dacwadiisu socoto.
Magacyada dadka la aqoonsaday waxaa ka mid ah Enoch Fiqadu, Barakat Mokonnin, Brook Tammirat, Adan Yusuf, Masfin Hussein, Nigisti Bayyana, Paul Kidane, Samson Kidane iyo Beza Kabbada.
Dembiyada loo haysto ayaa aad u kala badan, kuwaas oo ka kooban weerarro lagu qaaday guryo, wadista gaari iyada oo la sarkhaansan yahay, dhac iyo afduub loo geystay carruur.
Waxaa sidoo kale ku jira eedeymo la xiriira hanjabaado argagixiso, weerarro hub loo adeegsaday, qaadashada hanti la xaday, ku xad-gudub amarrada maxkamadda iyo lacag dhaqid.

