Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa in goordhow uu is beddal ku sameeyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, iyadoo isha lagu hayo siyaasiyiin muddo sugayay magacaabis oo soo galaya booska.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in isbeddal xukuumadeed uu dhacayo saacadaha soo socda, isla markaana qorshuhu yahay in labo wasaaradood oo kamid ah kuwa Federaalka uu saameeyo isbeddalka uu haatan wado Ra’iisul wasaaraha.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Danjire Jamaal Maxamed Xasan loo magacaabi doono wasaaaradda Ganacsiga halka Xildhibaan Ayuub Yuusuf Ismaaciil isna loo dhiibayo wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadd Dan-Qaran, sida aan xogta ku helnay.
Jamaal oo horey usoo noqday wasiirka qorsheynta, sidoo kalena lasoo shaqeeyay Ururka IGAD ayaa horay ballan adag ula galay xukuumadda, gaar ahaan xilligii doorashooyinka Waqooyi Bari oo uu kamid ahaa musharixiinta, isaga oo markaas codadkiisii ku wareejiyay Madaxweyne hadda talada haya ee Cabdulqaadir Firdhiye oo ay wadatay Villa Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa jiri doona isbaddallo kale oo waa wayn oo dhacaya todobaadyada soo socda, waxaana la’isku shaandheyn doonaa dhawr wasaaradood oo muhiim ah.
Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay wasiiro cusub iyo agaasimeyaal guud, iyada oo tallaabooyinkan ay la xiriiraan isbeddallo waa wayn oo ay waddo xukuumadda oo dhawan saddex sano jirsatay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.
Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogeliyay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

