Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta la horgeeyay wax ka beddal lagu sameeyay sharciga ciidanka Booliiska, si loo ansixiyo balse dood culus ayaa ka dhalatay.
Xildhibaannada qaar ayaa gebi ahaan qaadacay sharcigan oo ay tilmaameen inay ku jiraan qodobo lagu muransan yahay, iyagoo dalbaday in dib loo celiyo.
Sidoo kale waxa ay u doodeen in xilligan aan marsiin karin Baarlamaanka Soomaaliya, loona baahan yahay in dib loogu laabto sharciga ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in qaar ka mid ah xuquuqda ciidanka Booliska si aan caddayn sharciga loogu doodsiiyay, halka xildhibaannada qaarna ay xuseen in sharcigu leeyahay khaladaad sharciyeed oo u baahan in la saxo, kahor inta aan la meel-marin.
“Korneyl ayaa janaraal ceynaayo oo dhahaayo hala xiro, kala dambeyn ma jirto sharcigaan hala celiyo dhibka ayuu shacabka ku badinayaa” ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Cabdinuur.
Dhankeeda Xildhibaan Faa’iiso Jayte ayaa iyaduna tiri “Booliska sharci kuma shaqeeyaan sharci qabtana ma lahan kumana dhaqmaan, Saxaafadii ayay ladhibaateeyaan oo qalabkoodii ka qaataan hala celiyo sharciga Booliska Soomaaliyeed”.
Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo aragtiida dhiibtay ayaa isna sheegay in sharcigan uu baabi’inayo sharuucdii hore, uuna kasoo hormaray maqaamka caasimada.
“Sharciyada kale ee dalka ka jira ayuu baabi’i inayaa waxaana uu kasoo hor maray maqaamka caasimadda Muqdisho,waana ka hor imaanayaa dib ha loo celiyo hana lasoo saxo sharciga” ayuu isna ku dooday Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud.

