Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa PMPF oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta kusoo dhgay doon sidday budooyinka laga sameeyo qaraxyada, taas oo lagu qabtay xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Qoraal kasoo baxay PMPF aya waxaa lagu sheegay in budooyinka ay qabteen ku jiraan noocyada lagu farsameeyo qaraxyada waxyeelada ba’an geysta, oo halis ku ah amniga.
“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda ee degmada Eyl ayaa gacanta ku dhigay Doon siddey Budooyinka laga samee qaraxyada, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo lagu farsameeyo jaadadka qaraxyada waxyeelada ba’an-geysta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale, waxaa nolosha lagu qabtay illaa todobo ruux oo laba kamid ah yiiin Yamani, halka inta kalena ay yihiin Soomaali, sida lagu sheegay qoraalka.
“Doonta iyo dadka saarnaa oo gaarayey 7 ruux oo 2 ka mid ah yihiin Yamani, 5-ta kalena Soomaali ayaa dhammaantood kujira gacanta ciidanka” ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Raga gacanta lagu dhigay ayaa waxaa baaris ku haya laamaha amniga Puntland oo sidoo kale la wareegay doonta siday waxlaha laga sameeyo qaraxyada.
Waxaa la rumeysan yahay in doontan ay midkood u rarneyd Al-Shabaab ama Daacish oo ku sugan buuraha ee Puntland, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo iyo duqeymo xooggan.
Si kastaba, howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ay dooneyso inay dhulkeeda uga sifeyso kooxaha argagixisada, waxaana ay la kaashaneysaa saaxibada caaamiga ah.


