Xalka GalMudug oo halka uu jiro aan laga raadin iyo talo ku socota FARMAAJO

Xaaladda Maamulka Galmudug ayaa ah mid aad u khasan waxaana maamulkaas soo wajahay Caqabado intiisa badan ka imaanayo madaxda ugu sareyso.

Khilaafkaan ayaa wuxuu soo bilowday tan iyo markii uu Axmed Ducaale Geelle Xaaf noqday Madaxweynaha Galmudug markii uu jiraday Madaxweynihii ka horeeyey Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Inta badan Khilaafka ayaa salka ku hayo muran u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso maamulkaas oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xaaf, ku xigeynkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Xareed ayaa isaga la safan madaxweyne Xaaf halka ku xigeenka labaad uu la safan yahay Casir iyo Carabey.

Xildhibaannada fadhiya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee kala fadhiya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa xilalkii ka qaaday dhamaan Madaxdii Galmudug ka hor Ahlu Sunna.

Baarlamaanka qeybta fadhida Cadaado ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Amxed Ducaale Geelle iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Xareed Cali Xareed.

Kulan Xildhibaannada Galmudug ee Fadhiya Dhuusamareeb ay ku yeesheen Magaaladaasi waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen qofkii ugu dambeeyay afarta qof ee ugu sarreysa Galmudug kaas oo ah Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Carrabeey.

Xildhibaannada ayaa sheegay in dood socotay saddex maalmood oo ay xaadireen 140 Xildhibaan xilkii looga qaaday Maxamed Xaashi Cabdi Carrabeey.

Maxaa Qaldan

Arrinta meesha ay ka qaldan tahay ayaa ah in Madaxda ugu sareyso Galmudug aysan dhammaantood ka shaqeeneyn danaha dadka dagan deegaanadaas oo ay ku magacabaan yihiin inay wax u qabtaan.

Waxaa muuqato waxa la isku hayo inay tahay dano siyaasadeed oo uu mid kasta doonayo inuu helo lacag iyo sidii uu halkaas kusii joogi lahaa.

Halkee xalka Jiraa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad isugu yeertay Madaxda Galmudug si Muqdisho loogu qabto dib u heshiisiin.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxweynaha uu sidaan oo kale kulan ugu qabtay Madaxda Galmudug oo qaab la mid ah qaabkaan sheegay inay xilalka isaga qaadeyn.

Xalka Galmudug ayaa ku jiro in Meesha laga saaro dhammaan madaxda isku dhagan isla markaasna uu Baarlamaanka Galmudug qaban qaabiyo doorasho cusub iyo musharixiin cusub.

Weliba waxaa haboon in Sharuudaha lagu daro inaysan isisoo sharixi karin Madaxda Hadda talada heyso sida: Madaxweynaha, ku xigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Waxaa looga fadhiyaa Madaxweyne Farmaajo inuu qaato go’aankaas isla markaasna uu si cad u sheego inaysan dowladiisa la shaqeyn doonin madaxda Galmudug ee hadda talada hayo isla markaasna la isugu waco baarlamaanka loona sheego inay hadda iyo doorasho u diyaar garoobaan.

Inkastoo Dowladda Dhexe lagu eedeeyo inay iyada qeyb ka tahay Khilaafka Galmudug ka taagan haddana maadaama la arkay inaysan sheekada xal laheyn waa in Meesha laga saaro dhammaan kuwa hadda hayo Talada Galmudug oo meeshaas ku qabsado shaqo aan aheyn middii loo dirsaday.

Waxaa Qoray Cabaas Cali Xasan

Email: filimside@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid