QEYBDIID: GALMUDUG ma huri doonto inay dowladda Soomaaliya u hogaansato

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo kamid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku qasbanaan doono inuu qeyb ka noqdo maamulada u hogaansami doona dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Sanator Qeybdiid oo kamid ahaa Wafdigii ka socday Aqalka sare ee loo diray Galmudug ayaa tilmaamay in maamulka Galmudug ay dhan waliba ka tuseen ahmiyada ay leedahay isku tanaasulka, waxa uuna carab dhabay inay qabaan rajo ku aadan isku soo dhawaanshaha dowlada iyo Galmudug.

Qeybdiid waxa uu sheegay in iminkaba uusan jirin kala fogaansho balse uu jiro Isfahan yari ka dhex jira dowlada iyo maamulada hase yeeshee xal degdeg ah laga gaarayo.

“Anagu madaxda Galmudug waan u sheegnay sida ay waxyihiin waxaanu isla garanay in lasoo afmeero khilaafka maamulka kala dhexeeya dowlada, Galmudugna wey aqbashay”

Waxa uu intaa raaciyay “Galmudug wadada ayey kusoo jirtaa waa laga war sugayaa isbedelka ay la imaan doonto weyna ku khasbanaan doontaa inay garato tanaasulka”

Qeybdiid, ayaa carab dhabay inay muhiim tahay in dowlada Dhexe qudheeda ay xaliso tabashooyinka maamulada, inkastoo uu tilmaamay in shirka loo qabanaayo Galmudug lagu soo afmeeri doono khilaafka maamulka dhex diisa iyo kan kala dhexeeya dowlada.

Sidoo kale, Qeybdiid ayaa meesha ka saaray in mar akle uu soo laaban doono khilaafka isagoo dhanka kale sheegay in dowlada Dhexe ay isku soo dhaweyn doonto madaxda Galmudug.

Docda kale, Sanator Qeybdiid ayaa sheegay in Galmudug ay qaadatay inay la midowdo Dowlada Dhexe, isla markaana dalbatay in xal loo helo tabashooyinkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com