Xalka SOOMAALIYA waa in labo mid la sameeyo

Muxuu yahay nidaamka federaalka?

Si kooban, Federaalku waa nidaam dowladeed kaasoo dastuurka dalku uu qeexayo hab qaybsiga awoodda, maaraynta iyo wadaagga dhaqaalaha; maamulka siyaasadda,  ciidamada, xuduudaha, iwm.

Awoodaha dowladda dhexe ee fedaraalka gaarka u ah waxaa ka mid ah: Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Maaraynta Dhaqaalaha, Lacag Samaynta, Baasaboorada, Maamulidda Xuddudaha Dhulka, Hawada, Badda, Uruurinta Canshuuraha, Sugidda Amniga, iyo Horumarinta Kaabashaaya Dhaqaalaha (Infrastructure), iwm.

Maamul goboleedyadu waxay iyaguna leeyihiin nidaam maamul hoosaad ah, oo dastuuurka waddanka u yaal uu si cad u qeexayo si ay si gaar ah ugu maamushaan danaha gaarka u ah gobolladooda.

Puntland ma hooyadii fitnadaa mise wa hooyadii federaalka?

Waxaan la yaabaa sida madaxda Puntland ay mar walba uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo ay qaaddo dawladda dhexe laakiin ay u rabaan in degmooyinka iyo gobollada Puntland hoos yimaada ay ugu hoggaan samaan amarada ka soo baxa maamulka.

Runta marka laga hadlo bur-burka, musiibada, iyo fitnada ku dhacday Soomaaliya ilaa intii ay xorriyadda ka qaadatay waxaa badankiisa sabab u ahaa dad ka soo jeeda Puntland.

  1. Sidee u dhici kartaa in Puntland diiddo in xildhibaanada ku jira dawladda dhexe ee ka soo jeeda Puntland ay xafiis ka furtaan degaanadii laga soo doortay si ay ugu adeegaan bulshadii soo dooratay?
  2. Sidee midnimadii Somalia loo helayaa haddii Puntland aqoonsato natiijada doorasho wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia iyo beesha caalamkuba aysan aqoonsan?
  3. Sidee Puntland ugu wareejin kartaa waddamo shisheeye garoomada iyo dekadaha ku yaal Puntland, kuwaaso masuuliyadeeda ay leedahay dawladda dhexe.

Marka aan is waydiino ee Puntland ma Hooyadii Federaalkaa Mise Hooyadii Fitnada oo Soomaaliya ka dhaqaaqi la’dahay oo ka midoobi la’dahay.

Waxaad kaloo is waydiin leh maxaa madaxda Puntland midba midkuu ka dambeeyo uga waddaniyad liitaa oo ugu adeegaa shisheeyaha, oo Puntland iyo Soomaaliyaba u hagardaameeyaa?

Ugu dambayn, oday reer Puntland ah baa waxa la waydiiyay inu isu bar-bar dhigo Cabdiwali Gaas iyo Siciid Deni. Wuxu yiri. “Kana Macal Wayn, Kana Macna Daran”

Xalka Soomaaliya waa in labo mid la sameeyo:

In madaxda waddanka oo dhan heer Federaal iyo heer maamul goboleedba ay doorasho ku yimaadaan, doorashana ku tagaan.

In madaxda oo dhan ay noqdaan kuwo ay mgacaabaan madaxwaynaha iyo madaxda maamul goboleedyadu.

Taasina waxay keenaysaa in laga bed-baado is qab-qabsiga, iyo fashilka siyaasadeed ee ka dhalan kara iska hor imaadyada iyo khilaafka had iyo jeer dhaca, iyo in la helo dawlad waqtigeeda iyo juhdigeeda galisa ka shaqaynta horumarka degaanda dalka oo dhan.

Waxaan is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in madaxda maamul goboleedyadu ay yeeshaan awood ay ku magacaabi karaan xilkana uga qaadi karaan guddoomiyayaasha gobollada iyo duqyaasha magaaloyinka maamul goboleedkooda laakiin madaxwaynaha Soomaaliya uusan lahayn awood taas la mid ah oo uu ku magacaabi karo madaxda maamul goboleedyada heer ay yihiinba.

Macne ma samaynaso in awood loo diiday madaxwaynaha waddanka la siiyo ama ay xoog ku maroorsadaan madaxda maamul goboleedyadu. Sidaa awgeed waa in guddoomiyayaasha iyo duqyaasha magaaloyinku ay ku yimaadaan doorasho, xilkooda aan cidina ka qaadi karin ilaa ay waqtigooda ka dhammaystaan.

Sidoo kale, tuulooyinka, degmooyinka, iyo gobollada hoos yimaada maamul goboleedyada waa inay helaan xuquuq u dhiganta tan maamul goboleedyadu ku leeyihiin dawaldda Federaalka ah. Dawaladda dhexena xuquuq taas u dhiganta waa inay ku yeelato maamul goboleedyada iyo degaanada hoos yimaada.

Waana in isla sida maamul goboleedyadu ugu hanjabaan inay xiriirka wada shaqaynta u jarayaan dawladda dhexe, ay gobollada iyo degaanda hoos yimaada maamul goboleedyada iyaguna u qaadi karaan tallaabo taas la mid ah oo ay xiriirka wada shaqaynta ugu jari karaan maamul goboleedka.

Haddii si buuxda loo fahmo in xiriirka iyo wada shaqaynta dawladda dhexe, maamul goboleedyada, degmooyinka, iyo tuulooyinku uu yahay mid kor-iyo-hoosba isu dheelli-tiran oo ay caddahay xuquuqda iyo waajibaadka midba kan kale ku leeyahay, waxaa la helayaa is faham buuxa oo keenaya in laga wada shaqeeyo horumarka waddanka. Laakiin haddii maamul goboleedyada keliya ay leeyihiin awoodda ah in wax la curyaamiyo, wax la qaso, wax la joojiyo, la hanjabo, ama xilka qof laga qaado, waxaa meesha ka baxaya isu dheelli tirnaanta awood qaybsiga, helidda xuquuqaha iyo waajibaadka la isku leeyahay, iyo jirtaanka sharci ay ku kala bixi karaan maamullada kala duwan ee dalka ka dhisan markii aragti kala duwanaan imaato.

Jaridda xiriirka wada shaqayntu waa inuu noqdo mid labo jihoole ah oo aan hal jiho oo qura uun loogu hanjabin oo loo adeegsan. Waa gobollada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay maamul goboleedku ay xiriika wada shaqaynta u jari karaan maamul goboleedka sida uu isaguba uga hanjabo inuu xiriirka ugu jaro dawladda dhexe.

Sidoo kale, waana in fikraddaan qodob ahaan lagu daro dastuurka dalka, haddii kale waligeed laga dhamaan mayo is qab-qabsi, fashil siyaadeed, horumar la’aan, iyo u adeegidda shisheeye dano gaar ah ka leh Soomaaliya.

Dastuurka ha isu dheelli tiro hana labo-jiheeyo awoodaha iyo xuquuqaha

Hadda ka hor mar aan xiriir la sameeyay wasiirkii hore ee dastuurka (Cabdirxman Xoosh Jibriil) wuxuuna ii sheegay inuu daraasadeeyay dastuurka waddamo badan (sida South Africa, Nigeria, U.S., Switzerland, etc) oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ay kulligood leeyihiin xquuqo iyo awoodo isu dheelli tiran oo si siman u sugaya xuquuqaha degmooyinka, gobollada, maamul goboleedyada, iyo dawladda dhexe uu midba midka kale ku leeyahay. Wuxuuna ii sheegay in dastuurka Soomaaliyana uu sidaas oo kale u qeexi doono xuquuqaha degmooyinka iyo goballada maamul goboleedku ku yeelan doonan maamul goboleedka iyo dawaldda dhexe labadaba.

Taa macnaheedu waxa weeye in tallaabooyinka u banaan in maamul goboleedku ka qaado dawladda dhexe, ay u banaan yihiin degmooyinka iyo gobollada maamul goboleedku ay ka qaadi karaan maamul goboleedkooda.

Taa oo qura baa maamullada dalka ka jira oo dhan ku kala bed-baadi karaan, waayo mid waliba wuxuu iska ilaalin doonaa inuu ku xadgudbo xuquuqda midka kale si aan isagan loogu xad gudbin una ilaashan karo xuquuqdiisa.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid