25.2 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

XAMAAS oo ogolaatay hindisaha Mareykanka ee…

Bookmark
Bookmarked

Share

Doha (Caasimada Online) – Kooxda Xamaas ayaa aqbashay qorshe xabbad-joojin ah oo uu soo jeediyay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, sida uu wakaaladda Reuters u xaqiijiyay masuul Falastiini ah oo si dhow ula socda arrimaha kooxda. Tallaabadan ayaa laga yaabaa in ay gogol u dhigto dhammaadka dagaalka kala dhexeeya Israel.

Qorshahan cusub, oo Xamaas loo gudbiyay iyada oo loo sii marayo dhex-dhexaadiyeyaal, ayaa dhigaya in la sii daayo toban maxbuus oo Israa’iili ah, iyadoo la helayo xabbad-joojin soconaysa 70 maalmood.

“Iyada oo la sii daynayo laba kooxood oo ka kooban toban maxbuus oo Israa’iili ah oo wali nool, ayaa qorshuhu dhigayaa in la helo xabbad-joojin 70 maalmood ah iyo in si qayb ah loo joojiyo joogitaanka ciidamada Israel ee Marinka Gaza,” ayuu yiri ilo-wareedku.

Sidoo kale, qorshuhu wuxuu ku talinayaa in Israel ay sii dayso tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan boqolaal mudan xukuno muddo dheer ah.

Mas’uul Israa’iili ah ayaa iska diiday soo jeedinta, isagoo sheegay in aysan jirin dowlad mas’uul ah oo aqbali karta heshiis noocaas ah, wuxuuna beeniyay sheegashada ah in heshiiskaasi la mid yahay mid uu horay u soo jeediyay Witkoff.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa markii dambe farriin duuban oo uu ku baahiyay baraha bulshada ku yiri inuu “si weyn u rajeynayo” inuu soo bandhigi karo wax horumar ah oo la xiriira dagaalka Israa’iil kula jirto Xamaas iyo sii deynta dadka la haysto, “maanta, haddii aysan maanta ahaynna, berri.”

18-kii Maarso, Israel ayaa si buuxda u jebisay heshiis xabbad-joojin ahaa ee bishii Janaayo lala galay Xamaas, iyadoo markale billowday howlgallo militari oo ka dhan ah Gaza. Laba maalmood kadib, Xamaas iyo kooxaha la safan ayaa bilaabay weerarro iyo gantaallo.

Xamaas ayaa hore u sheegtay inay diyaar u tahay inay sii dayso dhammaan maxaabiista harsan ee la afduubtay intii lagu jiray weeraradii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday deegaannada koonfurta Israel, haddii Israel si buuxda uga baxdo Gaza, isla markaana ay oggolaato xabbad-joojin joogto ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkaystay in dowladdiisu oggolaan doonto oo keliya xabbad-joojin ku meel gaar ah haddii la sii daayo maxaabiista, isagoo mar kale ku celiyay in dagaalku dhammaan karo oo keliya marka Xamaas gebi ahaanba la tirtiro.

Israel ayaa billowday duullaan dhanka cirka iyo dhulka ah kadib weerarkii ay 7-dii Oktoobar 2023 ay dagaal-yahanada Xamaas kaga soo gudbeen xadka, kaas oo—sida ay sheegtay Israel—lagu dilay 1,200 qof, iyadoo 251 kale la qafaashay lana geeyay gudaha Gaza.

Dagaalkaas ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 54,000 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka ee Gaza, wuxuuna gebi ahaanba burburiyay dhulka xeebta ah. Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in nafaqo-xumo daran ay si baahsan ugu fidayso dadka shacabka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News