Xamza oo wasiirrada faray amar cusub oo la xiriira ‘Soomaali heshiis ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah.

Kulankaan ayaa waxa uu ra’iisul wasaaruhu warbixino kaga dhagaystay masuuliyiinta wasaaradaha qaar, iyada oo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah” in ay dardar-galiyaan qorshayaasha xukuumadda, islamarkaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda ee tiirka Soomaali heshiis ah.

Halbeegyadan ayaa waxaa kamid ah sida dhamaystirka dib-u-eegista Dastuurka, dimuqraadiyaynta iyo dardar-galinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.

Dhawaan ayay aheyd markii uu ra’iisul wasaaruhu bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Si kastaba, Halku-dhigga Madaxwaynaha ee ah Soomaali heshiis ah waa mid kamid ah waxyaabaha laf-dhabarta u ah xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza.

“Haddii aan la heshiinin wax horumar ah lagama gaari karo dhamaystirka dastuurka, doorasho qof iyo cod ah iyo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab,” ayuu kal hore ka dhawaajiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.