Xildhibaanada Xawaadle oo ku dhawaaqay go’aan culus iyo Hiiraan State + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo si adag uga hor yimid go’aankii xilka looga qaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Xildhibaanada ayaa iclaamiyey shir deg deg ah oo la isugu tegayo magaalada Beledweyne, iyagoo ku dhawaaqay in halkaas laga dhisi doono maamul ka madax-banaan HirShabeelle.

Sidoo kale xildhibaanadaan ayaa shaaciyey in habeen ka hor ay kala furfureen mooshin xilka looga qaadi lahaa madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed.

Waxay farriin u direen Yuusuf Dabageed oo ay ku eedeeyeen in loo adeegsaday cayrinta Cali Jeyte, waxayna u sheegeen in hadii Cali Jeyte uu meesha ka baxo uusan isaguna ka dambeyn doonin.

Sidoo kale waxay farriin kale u direen guddoomiyaha cusub ee madaxda HirShabeelle ay u magacaabatay gobolka Hiiraan, iyagoo si dabacsan ugu sheegay in xilkaan uu u qalmo, balse loo adeegsanayo fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo walaalkiisa Cali Jeyte.

“Dadka aan xildhibaanada u nahay maanta kadib ma aqoonsana HirShabeelle wax la dhaho, waana u camireynay awalba maamul kama jirin halkaas, intii yareedna maanta ayey is toogatay, qofka xilka waa laga qaadi karaa, laakiin waxaa laga qaadaa xili munaasib ah, marka waxaan cadeyneynaa in HirShabeelle ay geeriyootay, anaguna aan ka tashanay,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla.

Xildhibaanadaan oo shaaciyey inay tegayaan magaalada Beledweyne ayaa Cali Jeyte ku amaanay halgankii uu gobolka Hiiiraan intiisa badan uga xoreeyey kooxda Al-Shabaab iyo go’aanka uu ku diiday xilka kaadista ay ku sameeyeen madaxda HirShabeelle.

Xildhibaanada Xawaadle ee caawa shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxay balan qaadeen inay dhisi doonaan maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State, kaas oo qorshihiisa lasoo dhameystiray, sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa galabta cadeeyey in warqadii xilka looga qaaday uusan u hoggaansami doonin, isagoo ku adkeystay in guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan uu isaga yahay HirShabeellana uusan hoos tegin.

Sidoo kale Cali Jeyte wuxuu galabta soo rogay go’aan uu ku xirayo safarada gobolkaas ee cirka iyo dhulka, isagoo ku goodiyey in dagaal uu kala hor tegi doono qof kasta oo HirShabeelle ka socota, hadii ay soo gasho Hiiraan.