Xanuun aan la aqoonsan oo ka dillaacay degaanno ka mid ah gobolka SOOL

Saaxdheer (Caasimadda Online) – Inta la xaqiijiyey labo ruux ayaa u geeriyootay, in ka badan 70 qof oo kalena waa soo ritay, xanuun aan la garaneyn oo ka dillaacay deegaan lagu magacaabo Saaxdheer oo ka tirsan gobolka Sool, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Caafimaadka ee degaankaas.

Qaar ka mid ah dadka degaanka iyo Dhakhaatiirta ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in xanuunka halkaasi ka dilaacay uu wato calaamado ay kamid yihiin Shuban, Xummad iyo qufac.

Dakhaatiirta Deegaankaas ayaa warbaahinta u sheegay inaysan illaa hadda garaneyn waxa uu yahay cudurkaan isla markaasna waxay ku baaqeyn in la helo qalab casri ah oo lagu sameeyo baaritaan si loo ogaado waxa uu yahay cudurkaan iyo waxa keenay.

Cudurkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyey si xawli ah ugu faafayey deegaanka Saaxdheer, waxaana Isbitaalada deegaanka buux dhaafiyey dad badan oo uu soo ritay cudurkaan kuwaas oo ku kala nool degaankaas iyo dhulalka Miyiga ah ee ku teedsan.

Cudurkaan ayaa kusoo aadayo xilli Deegaanka Saaxdheer ay gabaabsi ka yihiin daawooyinkii iyo adeegyadii Caafimaadka, waxayna dadka deegaanka iyo Mas’uuliyiinta codsadeen in lala soo gaaro gargaar deg deg ah si loo badbaadiyo dadka isbitaalada u jiifo cudurkaan aan la aqoon waxa uu yahay.

Inta badan waxaa Soomaaliya lagu arkaa cuduro cusub waxayna dhakhaatiirta qaar sheegeen inay cuduradaan ka dhashaan sun ay dowladaha waaweyn kusoo daadiyaan Xeebaha Soomaaliya.