R/W Kheyre oo kala diray mid ka mid ah guddiyada doorashada GALMUDUG

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka ee maamulka Galmudug ayaa la kala diray, wuxuuna amarkaas ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wali ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Beelaha dagan deegaanka Galmudug ayaa laga qanciyay dhamaan tabashooyinkii ay qabeen, waana arrinta keentay inuu soo baxo go’aankaan.

Kheyre ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in lagu dhawaaqo liiska xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug, waxaana la ogyahay in guddiga doorashooyinka laga sugayo iney magacaabaan 69-ka xildhibaan ee haray.

Jimcadii ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Galmudug ay ku dhawaaqeen liiska 20-ka xildhibaan oo ay soo xusheen Ahlu-Sunna, waxaana la fahamsan yahay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii ay doorashada ugu dhici laheyd waqtiga loogu talagalay.

Dhawr jeer ayaa lagu fashilmay jadwalka doorashooyinka Galmudug, waxeyna guddiga filayaan hadda in kulamada Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la yeelanayay Ahlu-Sunna iyo Odayaasha dhaqanka ay wax badan saxaan.

Sida la ogyahay Guddiga waxey ilo xog ogaal ah u sheegeen in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan 69-ka xildhibaan ee ka haray maamulka maadaama guddiga farsamada maamul u dhisidda galmudug ay aqbaleen liiska xildhibaanadii ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna.