Xarunta dhaqanka Hargeysa oo ka jawaabtay carradii ka dhalatay barnaamij caadada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa ka jawaabtay eedeymo uga yimid xus ay ku qabatay magaalada Hargeysa 28-ka bishii hore oo cinwaankiisu ahaa “Maalinta caalamiga ah ee Fayo-dhowrka caadada”.

Xarunta ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Barnaamijkaasi uu ahaa mid gudbinaya fariin caafimaad oo la xiriiray wacyi-gelin bulsheed.

Waxay sidoo kale sheegtay Xaruntu in barnaamijkaasi ay ka hadleen dhakhaatiir oo ay gudbinayeen fariin caafimaad, oo uusan aheyn bandhig damaashad ama lagu xusayo maalin gaar ah.

War-saxaafadeedka ay Xuranta dhaqanka ee Hargeysa, kasoo saartay eedaha loo soo jeediyay ayey sidoo kale waxay ku sheegtay in xaruntu ay aaminsantahay in wacyi-gelin kasta oo bulshada faa’iido u lehi ay tahay mid muihiim ah in laga shaqeeyo, iyadoo ka dhawaajiyey in barnaamijkan uu ahaa mid caafimaad oo wacyi-gelin.

Halkan hoose ka akhriso War-saxaafadeedka