29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

“XASAN haddii uu daacad yahay qolka mugdiga ah yuusan liiska ku xariiqin”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llahi Maxamed oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in dadku ay isaga qaldan tahay Ogaanshaha Xaqiiqda ku saleysan fashilka ku imaanaya Xukuumada, waxa uuna tilmaamay inuu xaqiijinaayo in Xukuumada Cusub ee Ra’isul wasaare Cumar uu hortaagan yahay Madaxweyne Xassan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in masiirka Umadda Soomaaliyeed loo baabi’iyo qancinta shaqsiyaad la ogyahay inay horay usoo fashilmeen.

Waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay iska indhatirayaan in Madaxweyne Xassan uu Ra’isul wasaaraha ku cadaadinaayo shaqsiyaad loo soo xulay hab Xarako, balse BF uusan qaadan doonin Liis xiliyada habeenkii lagu soo diyaariyo qol mugdi ah, sida uu hadalka u dhigay

Xildhibaanka oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Waxaan cadeynayaa in Xukuumadu uu hortaagan yahay Xassan, haddii uu ka shaqeynaayo Masiirka umadda ha joojiyo liiska uu marba kusoo dhex qoraayo qolka mugdiga ah, haddii taasi la waayo anaguna mudnaan masiin doono”

Waxa uu sheegay in Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid looga baahan yahay inuu tixgaliyo go’aanada BF Somalia, maadaama aysan diyaar u aheyn inay qaatan magacyo qol mugdi ah lagu soo xariiqay, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News