Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxtooyada Somaliland, ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay ku cadeeyay in maalmaha soo socda lasii deyn doono Markabkii siday Hubka ee kusoo xirtay Dekada Berbera.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in deysmada Markabka iyo Kabtankii waday ay ka dambeysay kadib markii uu wada xaajood dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Dowlada dalka Sudan, sida warbixinta kasoo baxday Madaxtooyada lagu qeexay.
Sidoo kale, Qoraalka oo ahaa mid gaaban, ayaa waxaa lagu sheegay in markabka iyo hubkaba ay u socdeen dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, safarkiisana uu sii wadanayo.
Dhanka kale, Maamulka Somaliland ayaa maalmo ka hor Saxaafada usoo bandhigay markabka oo ay ku eedeeyen in si sharci daro ah uu ugu soo xirtay Dekada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

