Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay habdhaqanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee wada is hortaaga Xukuumada cusub.
Xildhibaan Dalxa oo ka hadlaayay arrinta kutlooyinka, ayaa waxa uu sheegay in marnaba aanay suurta ahayn in xil iyo darajo lagu raadiyo dhismaha Kutlada.
Waxa uu tilmaamay in sharciga uu yahay midka kala hagi lahaa dalka, islamarkaana uu qabo in Kutladaha la sameysan karo balse aan loo adeegsan karin dhinac qaldan.
Waxa uu sheegay in nidaamka uu qabo in Kutladaha loo adeegsado dhanka maslaxada dalka iyo waxtoosinta, balse ay u muuqato in kutladaha iminka la dhisay ay horseed u yihiin burburka dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Xildhibaan Dalxa wuxuu xaqiijiyay in Kutladaha ay meesha ka saarayaan awood qeybsigii beelaha, islamarkaana ay doonayaan Kutladaha in meel walba ay kasoo muuqdaan taasi oo uu sheegay in waxyaabo badan ay ka dhalan karaan.
Xildhibaan Dalxa ayaa arrintaasi ka yiri “Waxaan leeyahay qaabka wanaagsan uga faa’ideysta yeesan noqon kuwo waxyaabo kale lagu raadiyo, mida kale waxaan aad ula yaabay Baarlamaanka dhan oo wada Kutlad noqday, Kutlo ma haan in awood qeybsi ay ku gorgortanto, laakiinse waa in ay wax qabato”
Hadalka Dalxa ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo ay faraha kasii baxayaan awoodaha BF Somalia oo u muuqda mid lagu cadaadinaayo Siyaasada Xassab Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

