28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

FADEEXAD: Xasan Sh. oo shir caalami ah u diray SAMBALOOLSHE isaga oo ku magacaabay wasiirka amniga DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowldda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xaan Sheekh ayaa ku kacday qiyaano qaran, kana tallaabsatay sharcigii dalka, kadib markii wasiir aan jirin ay u dirtay shir caalami ah oo ka dhacaya magaalada London.

Shir madaxeedka 2-aad amniga iyo ka hor-tagga argagixisada (The 2nd Annual Africa Security & Counter-Terrorism Summit 2015) oo afarta iyo shanta bishan february ka dhacaya Lancester London Hotel oo ku yaalla London, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya u matalaya Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe iyo Ridwaan Xaaji Cabdi Weli.

Arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in Sambaloolshe uu ku magacaaban yahay wasiirka aminga qaranka Soomaaliya, ayada oo aysan jirin meel cad oo lagu magacaabay, uuna ku helay ansixinta baarlamanka, marka laga reeb inuu ku jiro xukuuumaddii koowaad ee uu soo dhisay Cumar Cabdirashiid balse uu dib ula laabtay.

Arrintan ayaa muujineysa in siyaasad tuugnimo ku saleysan ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ku maamulayaan dalka.

Waxaa kale oo xusid mudan in wasiirka amniga qaranka Soomaaliya uu yahay Khaliif Ereg, oo dowladiisu ay dhacday balse sida sharciga qabo xilka sii haynaya inta xukuumad kale laga soo dhisayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sameenaya wax walba sii uu qanciyo Sambaloolshe oo abti ugu aadan, balse wasiirnimadiisa ay caqabad ku noqdeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu warqad u qoray shirka kuna caddeeyey in Sambaloolshe yahay wasiirka amniga qaranka Soomaaliya.

Baarlamanka Soomaliya ayaan arrintan ka war-hayn, waxaana Caasimada Online ay ku ogaatay dabagal ay sameysay markii ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia oo codsaday inaan la magacaabin ay xogtan noo dusiyeen.

Caasimada Online ayaa kadib raadisay macluumaad dheeri ah waxaana la yaab ku noqotay markii website-ka shir madaxeedka ay ku aragtay magaca Sambaloolshe oo ku magacaaban wasiirka amniga qaranka Soomaaliya, kuna jiray liiska dadka shirka ka hadlaya.

Qof kasta oo doonaya inuu arrintan xaqiiqsado waxa uu ka arki karaa website-ka shirka. Click siin link-gan:-http://www.africasecuritycounterterrorism.com/speakers/  Ama hoos ka arag liiska. 

[pdf-embedder url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/02/AGENDA-Af-Security-Counter-Terrorism-2015-1.pdf”]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News