Gudoomiye la dilay & qarax dhacay

Gaalkacyo (Caasimada Online) Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goordhow xaafada garsoor lagu dilay gudoomiyihii xaafadaasi Maxamuud Diiriye “Bidaar”.

Labo dhalinyaro ah oo wajiga duubatay ayaa la sheegaya in gudoomiyaha ay ku dileen xaafada Garsoor gaar ahaan meel dhowr talaabo u jirta hooyga uu ka degen yahay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay inuu doonayay inuu galo xaafadiisa, laakiin dhalinyarada hubeysan ayaa rasaas la dhacay, iyadoo markii dambe uu u naf baxay dhaawacii soo gaaray.

Barqonimadii maanta ayay aheyd markii qarax miino uu ka badbaaday xisaabiyaha wasaarada maaliyada Puntland ee gobolka Mudug, inkastoo uu ka badbaaday qaraxaasi.

Maamulka gobolka Mudug ayaanan wali ka hadlin dilka gudoomiyaha Garsoor iyo qaraxii uu ka badbaaday Maxamed Cali Yuusuf xisaabiyaha wasaarada maaliyada ee gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com