Qaar ka mid ah 20-ka wasiir oo golaha WASIIRADA laga saarayo + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wax ka bedel lagu sameynayo 20-kii wasiir ee 27-kii Janaayo uu magacaabay Ra’iisalwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke kadib markii siyaabo kala duwan culeys uga yimid inay kasii mid ahaadaan Golaha wasiirada cusub ee la dhisayo.

Xubnaha arrintani saameyn doonto waxaa ka mida:

1. Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir: Wasiirkii Wasaaradda Dekedaha Gaadiidka Badda, wasiirkani wuxuu geeyay iscasilaad la aqbalay, waxaana ugu wacan cadaadis uga yimid Faarax Sheekh C/qaadir oo salka ku haya is afgranwaa ka dhaxeeyay kooxda ku xeeran madaxweynaha. Waxaa la filayaa inuu isla Faarax ku soo laabto Golaha wasiirada cusub.

2. Guuled Xuseen Qaasim: Wuxuu ku magacawnaa Wasaaradda Warfaafinta & sgaarsiinta, laakiin waxaa dhibaato ku noqotay awood qeybsiga beelaha oo beeshiisa Ogaadeen dhexdeeda ka jirta maadaama ay isku dhow yihiin Axmed Madoobe. Waxaa laga yaabaa in lagu bedelo qof kale.

3. Xaawo Xasan Maxamed waxay ku magacawneyd Wasaaradda Caafimaadka, laakiin waxaa cadaadis weyn ku haya xildhibaanada beesheeda oo mid taageersan aanu jirin. Waxaana jira ilaa saddex musharax oo jagadan wasiirui sharxan.

4. Cabdirisaaq Cumar Maxamed: waxaa xukuumadii 20-ka wasiir lagu magacaabay Wasaaradda Batroolka, Biyaha & Kheyraadka Dabiiciga, waxaa laga cabsi qabaa inuu xilkani galaafto rabitaanka madaxeynaha ee ah inuu wasiirka Amniga u magacaabo C/llaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” ama xil kale ninkani loo magacaabo, taasoo keeneysa inuu meesha ka baxo wasiirkani oo ehel ahaan ay isku dhow yihiin madaxweynaha.

Waxaa kaloo jira ilaa 4 wasiir oo kale oo xilalkooda shaki weyn ku jiro inay dib ugu soo laaban doonaan Golaha cusub ee wasiirada iyadoo arrimo kala duwan ay heystaan, jagooyinka wasaaradeed qaarkood ayaa iyana la kala jari doonaa si loo helo 25 wasaaradood.

Isha: Goobjooge