26.1 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xasan KHEYRE oo gaaray magaalada Baydhabo iyo ujeedka safarkiisa (Warbixin)

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo-(Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre  ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Ra’iisul Wasaare Khayre waxaa Garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare kheyre ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qeyb geli doono tacsida iyo aaska Hooyada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo shalay geeriyootay.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay iyadoo aaska hooyada guddoomiyaha baarlamaanka ay ka qeybgaleen madax faro badan.

Safarka ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku soo beegantay xilli ay madaxda dowlad goboleedyada ay isu diyaarinayaan kulan ugaga furma magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News