Xasan oo maanta xaqiijin kara guushiisii ugu weynayd ee muddo xilleedkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay maanta ku biiri kartaa dallada bulshada Bariga Afrika. Muqdisho ayaa sanado badan raadineysay xubinimada ururkan sababa isbeddelka dhaqaalaha iyo socdaalka gobolka.

Marka la eego xilliga la aqbalay in la dhageysto oo ficil ahaan loo qaatay codsiga Soomaaliya iyo xilliga uu soo baxayo go’aanka aqbalidu, waxay Soomaaliya noqon doonta dalkii ugu dhaqsiyaha iyo deg-degta badnaa ee gala ururkaan.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya madasha codka loogu qaadayo Soomaaliya, waxaana madaxweynuhu shalay galab gaaray magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si uu u xoojiyo ololaha dalkiisa.

Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad.

Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo kooxdiisa kala shaqeynaysa mashruuca ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa dalka ku yeelan doonna diiwaan guul ku suntan, haddii codeyntani ay maanta “Haa” ku dhamaato.

Madaxda dalalka East African Community ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Shirkaan waa kii 23-aad ee heerka madaxda sare ee ururkaan.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad isbeddel amni ah iyada oo la dirireysa argagixiso caalami ah. Dalalka ururkaan ku jira waxay fahamsan yihiin baaxada kheyraadka aan weli la isticmaalin ee Soomaaliya iyo sida uu gobolka uga faa’iideysan karo qoddobka kheyraad waddaaga, xoriyadda ganacsiga iyo canshuuraha mideysan.

Dadka diidan ku biirista Soomaaliya ee ururkaan ayaa qaar waxay xujo ka dhigayaan in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya ay weli tahay caqabad aan laga boodi karin oo ka faa’iideysan karta fursadaha socdaalka iyo ganacsiga ee laga faa’iidi doono ku biirista ururkaan iyo dhinaca kale dayacaada ka muuqata dhanka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Balse dalalka u ololeynaya in Soomaaliya la aqbalo codsigeeda ayaa aqrinaya fursadaha dunida ku hardameyso ee dhex ceegaga Soomaaliya balse aan helin hal abuur uga faa’iideeya dalka iyo gobolkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay dhowr waddan oo ku jira dallada bulshada Bariga Afrika bilihii lasoo dhaafay. Villa Somalia waxay sheegtay in dhamaan dalalkaasi uu madaxweynaha kala hadlay ahmiyadda ay gobolka u leedahay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto ururkaan, xirfada ganacsi iyo howl-karnimada dadka Soomaalida ah iyo kheyraadka ceegaga dalkaan geeska Afrika ku yaalla oo u baahan maalgashi caalami ah iyo mid heer gobol ah.

Rejada Soomaaliya ee ah in maanta “Haa” loogu codeeyo waa mid aad u sarreysa. Haddii ay sidaas u dhacdo waxay noqon doonta guushii ugu weynayd ee nidaamka Xasan Sheekh soo hooyo tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay madaxweynahan 68 jirka ah.

Xasan Sheekh ayaa haddii uu maanta dalka ku daro dallada bulshada Bariga Afrika wuxuu dhameystiri doona mid kamid ah lixda qoddob ee laga sugayo inuu ku xaqiijiyo muddo xileedkiisan labaad.