24.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Xasan oo Muqdisho ku laabtay, kulamo socda iyo mooshinka Cabdi Weli oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uu uga soo qeyb galay shir madaxda Urur Goboleedka IGAD isugu yimaadeen.

Shirka urur goboleedka IGAD ayaa waxaa diiradda lagu saaray xalinta arrimaha ka taagan dalka Suudaanka Koonfureed, iyadoo ay Madax dhowr ah ka qeyb galeen shirka.

Imaanshaha madaxweynaha, ayaa waxa ay timid maalin kadib markii xildhibaanno isaga taageersan ay mooshin xil qaadis ka gudbiyeen ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Sida wararka ay sheegayaan waxaa madaxweynaha uu caawa illaa beri subax kullamo la yeelaan doonaa xildhibaanno isaga taabasan.
Imaanshaha madaxweynaha, ayaa la filayaa inay horey usii riixdo mooshinka, haddii aan xal kama dambeys ah la gaarin.

Sida wararka ay sheegayaan guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ayaa wada dadaallo lagu baajinayo mooshinka, heshiisna lagu gaarayo. Waxaa lagu warramayaa in Cabdi Weli iminka kasoo dabcay mowqifkiisa, si uu xilkiisa u bad baadsado, balse ma cadda haddii madaxweynaha uu taas ku qanci doono.

Mooshinka waxaa saxiixay 140 xildhibaan. Waxaa loo baahan yahay 139 xildhibaan codkooda si xukuumadda loo rido.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News