25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Dhageyso: Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan mooshinka iyo xilliga codka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mooshin ka dhanka ah Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa shalay loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in 140 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka kalsoonidda looga noqonayo ra’iisul-wasaaraha.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida uu sharcigu dhigayo waxaa laga filayaa inay mooshinkan hor-keenaan baarlamaanka si cod loogu qaadayo.

Xidlhibaannadan ayaa taageersan madaxweynaha Soomaaliya oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyo Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh.

Mooshinkan ayaa muujiyana in khilaafka labada mas’uul u dhaxeeya la xalin waayay, isla markaana la filayo in baarlamaanku uu kala saaro.

Dhegayso: Waraysiyo ku saabsan Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda

- Advertisement -

Read more

Local News