XASAN SHEEKH awooddaada adeegso

Madaxweyne Xasn Sheikh waa nin ku dadaala inuu u dhaqmo si hufan uusan cidna ku xad-gudbin ama u gefin.  Nasiib darro wuxuu ku soo beegmay xilli dadka badankiisu ay halyey u yaqaaniin midka aan ka xishoon  erayada qallafsan, dadka caaya kaasoo carabiga lagu yiraahdo WAQAAXA ingiriiskana VOLGARITY.  Xilligaan waxaa batay dadka tallaabo kasta oo la qaado u arka mid xun, waayoo qalbigooda ayaa xumaani degtay marna wax wanaag ah ma arkaan, wayoo iyagaan wanaagsaneyn.

Xasan Sheikh wuxuu iska ilaaliyay inuu la mid noqdo kuwa gobollada qaar hogaamiya iskuna sheega doctor laakin runtii aan ahayn dad u qalma inay la doodaan Xasan Sheikh, laakin xilliga ayaa saaciday oo u oggolaaday inay Madaxweyne Xasan oo kale ah ku soo beegmaan iyagoo ah waxa loo yaqaano “mediocres” qaarkoodna lagu qiimeyay “low class people” waana sida umadaha aduunka ay no arkaan.

Dadka noocaas ah qofki la dhaqmaa wuxuu naqanaa isagoo kale. Talyaaniga wuxuu yirahaa “ dimmi con chi sei ti diro’quello che sei”  (qofka aad la socoto ii sheeg aan kuu sheegee waxa aad tahay) Somaliduna mid u dhaw ayey qabtaa oo ah saaxibkaa kumana cadeeyo kumana madoobeeyo sow yohow kaa dhigaa.  Xilliga aan mareyno waxaa nool dad badankooda aad uga hooseeya mustawaha adduunka maraayo oon manra laga fileyn inay horumar gaaraan waayoo qof waliba wuxuu mashquul ku yahay siduu dhibaato u gaarsiin lahaa qof kale.

Madaxweyne Xasanow bal isku day inaad adeegsato awooda dusturiga ah ee aad leedahay.  Ku dhihi maayo u hadal sidi C/weli Gaas iyo kuwa la midka ah, balse waxaan ku talin lahaa inaad u laqinto dersi aysan weligood illaabin isaga iyo kuwa ku dayda dhaqankiisa oo ay isku fikirka yihiin.  Inaad u sheegto in dalkaanu dowlad leeyahay, ciddi ku soo xadgudubtana ay la kulmi doonto cawaqib xumo ay ka qoomameyso.  Af-buuxa ugu sheeg inaan cidna shidaal ka baari karin dalkaan iyadoon soo marin dowladda dhexe, gobolki isku daya inuu dowladda awoodeeda ka tallabsadana loola dhaqmi doono si uusan jecleysan lana marsiin doono waxa uu sharciga ka mudan yahay.

Intaas iyo in ka badan inaad garato waa hubaa, waxaanse rabaa inaad adeegsato awoodda Ilaahey ku siiyay oo ah inaad cid waliba kula dhaqanto waxa ay tahay,awoodaadana aysan cidna ku xadgubin.

Yaa siiyay R/Wasaare Cabdiweli awood uu ku magacaabo ama xil ka qaado Madaxda ciidamada qaybahood kala duwan?  Waxay ila tahay in laba sano kaddib lasoo gaaray xilligii aad adeegsan lahayd  awoodda dastuuriga ee aad leedahay, adigoon cidna uga heybeysan ama la xishoon.  Si awoodaada ay dalka oo dhan u wada gaarto waxaan kugula talin lahaa inaad raadsato labada sano ee kuu dhiman dad si gaar ah loo soo xulay oo ku wanaagsan istratejiyada maamulka dowladnimo, kuna sameyn kara taxaaliil iyo saadaalin cilmiyeysan natiijooyinka ka soo bixi kara tallaabooyinka la qaadayo inta aan la qaadin.

Labadi sano ee la soo dhaafay waxaa suurta gashay in la qaado tallaabooyin aad loo mahadiyay oo ummadda wax weyn ka beddelay noloshooda waana mid ay kuu aqoonsan yihiin inta wax garata oo isir neceybka nadiif ka ah.

Haddaba sidee horey loogu dhaqaaqi karaa?  Waxaa loo baahan yahay in dalka laga dhiso lana magacaabo shakhsiyaad, heyado iyo wasaarado awood dheeri ah la siiyo,sida Wasiirka Amniga Khaliif Ereg  oo ah shakhsi wax weyn beddeli kara hadduu helo  tas-hiilaadka uu u baahan yahay si uu gobollada qaarkood uga qaado tallaabooyin lagu saxaaya khaladaadka dhacaya oo ay ugu badan tahay gefafka ay caadeysteen madaxda Puntland oo is-mooday inay dhul kale ku nool yihiin oon Somaliya ahayn iyagoon weli fahmin federaal waxa uu yahay. Waxa soo raaca Madoobe Nuunow oo aad moddoo inuu deggan yahay dhul aysan dowladi ka jirin…Dadkaas oo dhan waa in laga qaadaa tallaabooyin toosin ah oo lagu daryeelayo heybadda dowladda.

Waa in la adeegsadaa shakhsiyaad ay ku weyn tahay wadaninnimada diyaarna u ah inay fuliyaan siyaasadda dowladda dhexe taasoo loo baahan yahay in labada sano ee ka dhiman doorashada dadka qalloocan meel kasta ay joogaan la toosiyaa tubta saxda ahna lagu soo ridaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Militariga Cabdiraxmaan M. Tuuryare iyo Khaliif Ereg iyo ciddi ay iyagu xushaan la siiyo awoodo ay ku fuliyaan siyaasadda dowladda.  Dalka waa in laga nadiifiyaa wax-magaratada u hanqal taagaya inay hanti ka aruursadaan dowladaha qaarkood oo diyaar u ah inay xayiraan shidaal laga raadiyo Somaliya, diyaarna u ah inay hanti aad u fara badan ku laaluushaan ciddi isku dayda inay batrool ka baarto Somaliya…Kuwi Puntland madax ka soo noqday ayaa ka faa’iiday arrinkaas, kuwa hadda joogana sidi oo kale ayey rabaan si ay ugu laabtaan meeshey ka yimideen iyagoo dhergan.

Arrintaan aan ka dhawaajiyay wa mid la hubin karo haddii loo baahdo, caddeyman lagu qanci karana loo haayo marki loo baahdo.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid