24.6 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xog: Xasan Sheikh oo arrin aan laga fileyn kula kacay R/W Cabdi Weli kadib markii uu amray…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/Weli Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu Saraakiisha Villa Somalia ku amray in C/weli Sheekh laga dhigo gaadiidka dowlada ee uu isticmaalo.

Xubno xog ogaal ah oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’isul wasaarihii hore si ixtiraam la’aan ah looga qaaday ilaa Afar gaari oo laba kamid ah ay ahaayen kuwa aan xabadu Karin, kuwaasi oo u isticmaalaayay si KMG ah.

Amarka awooda loogu sheegtay C/weli Sheekh Axmed ayaa kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan waxa ayna tani colaad siyaasadeed hor leh ka dhex abuurtay labada mas’uul.

Sida xogtan ay leedahay, arrintan ayaa dhacday xilli ra’iisul wasaarahii hore uu safray magaalada Nairobi, kaasi oo ahaa socdaalkiisii ugu horeeyey ee uu dalka kaga baxo, tan iyo markii uu xilka lumiyey.

“Waxaad moodaa in madaxweynaha iyo saaxiibadiis ay sugayeen inta Cabdi Weli uu ka baxayey Muqdisho” ayuu yiri qof xog-ogaal ah.

Tani ayaa waxa ay muujineysaa in ilaa iyo iminka uu taagan yahay Khilaafkii Xasan Sheekh kala dhexeeyay C/weli.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News