Xasan Sheekh oo hal arrin ku amaanay BF – Ma waxaa la helay xogta mooshin cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada aqal ee baaralamka ku amaanay wada shaqeynta iyo khilaaf la’aanta jirta, maadaama ay xildhibaanadu can ku ahaa jireen mooshin joogto ah iyo khilaaf labad gole dhexdooda ah.

“Is qabqabsiga Baarlamaanka dib ayuu noo dhigayaa, hogaamiyeyaasha maanta waa inaga, xildhibaanada waxaan leeyahay yeysan idin seegin fursadaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Durbadii waxaa dhalatay su’aal ah in madaxtooyadu heshay xogta mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, wuxuuna madaxweynuhu si aan leex-leexad laheyn uga codsaday baarlamaanka inay is qabqabsi iyo khilaaf ka fogaadaan.

“BFS waxaa mar kasta ku adkeynayaa oo ku celinayaa is qabqabsiga iyo hadallada kala socda dib ayey noo dhigayaan, waxaan bogaadinayaa wadashaqeynta quruxda badan ee labada gole,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaanada in kalfadhiyada dambe ay ku dhameystaan xasiloonidaan, isagoo ka codsaday baarlamaanka inay deg deg u ansixiyaan sharciyada ay u soo gudbi doonto xukuumadda Xamse Barre.

“Waxaa nagu waajib ah inaan ku shaqeyno dareen iskaashi, inagoo mudnaanta siineyna dejinta shuruucda dalka. Waxaan si xushmad leh idinkaga codsanayaa inaad fudududeysaan, sharciyada idinkaga imaa doona xukuumadda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 2-aad ee BFS.