Dagaalka AL-SHABAAB ‘oo laga billaabayo’ Sh/Hoose

Baraawe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shalay safar ku tegay magaalada Baraawe ayaa bulshada gobolka Sh/Hoose ugu baaqay inay sameeyaan kacdoon bulsho oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balameen in la iska xoreeyo Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’antahay in K/Galbeed ay kaalinteeda qaadato.

“Gobolada Somaliya oo dhan waa laga istaagay, annagana sidaas oo kale ayaan ku baaqaynaa meel kastoo ay dadka reer Koonfur Galbeed jooggaan inay u istaaggaan, hawlgaladiina way ka bilowdeen Koonfur Galbeed, Gobolada Bakool iyo Baay-na way ka socdaan hawlgalada,” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Sida dadka Soomaaliyeed ay ula dagaalamayaan ula dagaala Al-Shabaab, dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed garabkiina ayey taagan yihiin,” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu sheegay in Shabaab aan loo sii dul qaada karin, isagoo bulshada ku nool deegaanada gobolka Shabeellada Hoose ugu baaqay in kacdoon ay sameeyaan, sida deegaanada kale ee dalka oo dagaalo ka dhan ah kooxda ay ka socdaan.

“Mar dambe ma dhici doonto inaan hoos fiirino iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab dhibaateynayaan, gobolkaan Sh/Hoose culeyska Al-Shabaab waa ku yar yaryahay ee inta dhiman dhameystira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa intaasi ku daray “Marka qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah, gaar ahaan dadka Gobolka Shabellaha Hoose degan, ciidamadoodii iyo shacabkooduba, ayaga culeyskoodu waa yar yahay, intaan yar ee hartayna hala is raaciyo, hala is dhaafiyo. Halaga faa’iideysto hawlgalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee socda, shacabkana ha garab istaaggaan.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta safar ku tegay magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas, wuxuuna xarigga ka jaray mashaariic uu maamulkiisu ka fulinayo magaaladaas.

Hoos ka daawo