Daawo: C/casiis Laftagareen ‘diyaar uma aha doorasho’

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, xilli haatan la isku hayo qabashada doorashada.

Cabdiraxmaan Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa eedeymo culus u jeediyey Lafta Gareen, isaga oo sheegay inuu kasii dhamaanayo muddo xileedka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in weli uusan u diyaar garoobun in la qabto doorashada hoggaanka guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Maamulka Koonfur Galbeed waa xilligii rasmiga ahaa ee muddo xileedkii doorashada waqtigeeda waa la loogaa, maadaama madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Cabdicasiis Lafta Gareen oo u diyaar garoobin in doorasho la qabto,” ayuu yiri Malaaq.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweynaha uu hareer maray dastuurka, islamarkaana uu sameystay muddo kororsi.

“Wuxuu rabaab inuu sii joogo muddo kororsi isaga jeebkiisa ah sameysto, dastuurkana waxa uu qabanaa 4 sano inuu ku egtahay muddo xileedka rasmiga ah,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu si kulul cambaareeyey xarig xubnaha mucaaradka loogu geystay magaalada Baydhabo, isaga oo xaqiijiyey in illaa 10 xubnood lagu xiray magaaladaasi.

“10 xubnood ayaa hadda u xiran waxaana si sharci darro loogu xiray Baydhabo. Xorriyatul Qowl ma jiro,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana taagan xiisad u dhexeyso madaxweynaha iyo mucaaradka oo isku hayo arrinta doorashada.