Xasan oo tegay xarunta NISA iyo isla xisaabtan adag oo ka dhashay weerarkii SYL

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqdhaqaaq badan sameeyey tan iyo markii xalay dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan ay gudaha u galeen hotelka SYL oo ka soo horjeeda Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyanaha ayaa deg deg u tegay xarunta NISA ee Habar-khadiija, isagoo raadinaya xogta sida ay Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan goobta ay weerarka gaysteen.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeer ku tagay xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah, xubnaha weerarka geystay ayaa hotelka ka soo galay dhanka Sayidka, iyagoo aqoonsi dowladeed ku soo dhaafay barta kontrol ee laga ilaaliyo madaxtooyada.

Waxaa la xiray askar iyo saraakiil shaqada ku jirtay xiliga ay soo gudbeen ragga weerarka geystay, sidoo kale waxaa la helay muuqaalada markii ay gudbayeen iyo askarta fasaxday raggii Shabaab-ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta duhurkii tegay Hotelka markii lasoo gabagabeeyey howlgalka oo la dilay xubnihii Shabaab-ka ahaa ee saacadaha badan ka dagaalamayey gudaha Hotelka.

Meydadka afar nin oo raggii weerarka geystay ah ayaa banaanka la soo dhagay maanta duhurkii, booliska oo warbixin ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegay in 17 qof iyo 9-askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarkaas, halka saddes askari ay ku dhinteen.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah.