SHEEKH SHARIIF oo farriin culus u diray madaxda DF kadib weerarkii Hotel SYL

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray weerarkii ay Shabaab ka fuliyeen hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, isagoo fariin u diray madaxda dowladda federaalka.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn canbaareyey weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shabaab ay ku beegsatay shacabkii iyo masuuliyiintii ku sugnaa Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

“Weerarkaan arxan darrada ah ee argagixisadu soo qaaday iyadoo lagu guda jiro bishaan barakeysan ee Soonqaad, waxay cadeyn u tahay heerka ay ka taagan yihiin diinta iyo cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa u duceeyey oo caafimaad Alle uga baryey shacabkii iyo masuuliyiintii dhaawacyadu ka soo gaareen weerarka, kuwii dhintana naxariista Rabbi.

Gabagabadii qoraalkiisa wuxuu Sheekh Shariif farriin u diray dowladda, isagoo ugu baaqay in waxyaabaha kale oo dhan ay meel iska dhigto ee amniga muhiimada koowaad la siiyo, si loo badbaadiyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan soo jeedinayaa in dowladdu mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga iio ciribtirka argagixisada, si looga gudbo dayaca iyo habacsanaanta amni, shacabkuna u dareemaan nabad geliyo la isku haleyn karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal ka soo saaray weerarkii SYL.

Ciidamada amniga ayaa maanta duhurkii soo afjaray weerar qaatay in ka badan 10 saacadood, waxaana lasoo bandhigay afar Shabaab ah oo lagu dhex toogtay hotelka, kuwaas oo muddo dagaalamayey dad badana dhaawacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay inuu la xisaabtamo hey’adaha amniga, sida booliska, NISA iyo ciidanka ilaalada madaxtooyada oo askar iyo saraakiil laga xiray, maadaama ay masuul ka yihiin amniga meesha uu ku yaallo Hotelka la weeraray.