[Xog] Xasan Sheekh oo u magacaabay safiir Macallinkiisii dugsiga sare

(Caasimada Online. Muqdisho)  Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa danjire cusub u magacowday dalka Ruushka, safiirkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya u magacowdo Moscow kaddib muddo ka badan 20-sano.

Safiirka Somalia ee Ruushka ayaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamed Warsame (Cadde Duqow), wuxuu horay u ahaa madaxii machadkii farsamada iyo ganacsiga ee Somalia tan iyo sannadkii 1991-kii, markaasoo xukunka laga tuuray dowladdii hore ee Soomaaliya. Waxaa uu u ahaa macallin iyo diritoor madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Cadde Duqow, oo da’ahaan lagu qiyaasay in uu yahay 80 jir ayaa waxaa la yaab aay ku noqotay dhamaan ummadda Soomaaliyeed. Waxaa dad badan is weydiinayaan, maxay dhallinyarada qaban doonaan haddii odayadii howl gabka ahaa loo magacaabayo safiiro iyo hoggaan sare? Tani waxa aay ka mid tahay hoggaan xumida Xasan Sheekh Maxamuud.

Xukuumaddii millateriga ahayd ee Soomaaliya ayaa waxay xiriir dhow la lahayd Midowgii Sofiyeeti, waxayna ciidanka Somalia ka taageeri jirtay tababarada iyo qalabeynta, inkastoo xiriirkoodu xumaaday markii ay dowladda Ruushku taageertay Itoobiya dagaalkii Somalia iyo Itoobiya dhexmaray sannadihii todobaatameeyadii.

Danjire Warsame ayaa wax ku bartay dalka Ruushka. Sidoo kalena soo noqday agaasimihii hay’adda UNDP ee Soomaaliya. Waxaana loo arkaa danjiraha cusub mas’uul leh waayo-aragnimo buuxda oo uu uga qaybqaadan karo xiriirka labada waddan ee horay xulufada u ahaa.

Sidoo kale, danjiraha cusub ee Soomaaliya ay u magacowday Ruushka ayaa wuxuu bedeli doona wakiilkii hore ee Soomaaliya u joogay Ruushka, Maxamed Maxamuud Xandulle oo shaqeynayay tan iyo sannadkii 2007-dii.

Waxay Somalia kasoo kabanaysaa colaadihii 25-ka sano socday, iyadoo isku dayaysa inay soo celiso xiriirkii ay dalalka caalamka la lahayd, iyadoo labadii sano ee u dambeeyay soo ceshatay xiriirkii ay la lahayd dalal badan oo caalamka ah.

Intii ay Somalia ka socdeen colaadaha sokeeye, wuxuu Ruushku deeq-waxbarasho siiyay boqollaal arday Soomaaliyeed ah, kuwaasoo markii dambe u tahriibay waddamada Yurub qaarkood.

Xukuumadda Moscow ayaa waxay door wanaagsan ka ciyaartay dhismaha iyo qalabeynta millateriga Somalia sannadihii toddobaatameeyadii, waxayna ku soo tababarteen saraakiil badan oo Soomaaliyeed waddanka Ruushka.

Dalal ay ka mid tahay Mareykanka ayaa xiriirkii siyaasadeed u jaray Soomaaliya markii uu qarxay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991-kii, markaasoo dalka ay isku hardinayeen dagaal-oogayaal ku loolamayay xukunka dalka.

Ugu dambeyn, markii Somalia ay ka baxday xilligii KMG ahaa isla markaana laga saaray deegaanno badan oo caasimadda Somalia ee Muqdisho ku dhow xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ayaa waddamo badan oo caalamka waxay billaabeen inay dib u soo celiyaan xiriirkii siyaasadeed ee ay la lahaayeen Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com