Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa go’aan rasmi ah ka gaaray hishiiskii madasha wadatashiga qaran ee horyaalay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya lana doonayay iney ansixiyaan.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in baarlamaanka muddo maalmo ah ay horyaaleen hishiiska la gaaray, isagoo sheegay ineysan wax go’aan ah gaaray muddadii go’aanka madasha uu horyaalay.
Xildhibaanada baarlamaanka ayuu sheegay iney ku kala aragti duwanaadeen nidaamkii lasoo diyaariyay taasina ay keeneyso khilaaf hor leh oo uu dalka galo, islamarkaana aysan macquul aheyn in khilaaf kale dalka uu galo.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si cad u sheegay inuu qaatay go’aan ah in la dhaqan geliyo hishiiska oo markale baarlamaanka aan la sugin ansixinta hishiiskii la gaaray 12 April.
Wuxuu sidoo kale sheegay in doorashada dalka ay dhici doonto xiligii la qorsheeyay ee doorashada sanadkaan gaar ahaan bisha Agoosto, go’aankaasina uu isaga qaatay Xasan Sheikh Maxamuud.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa go’aankiisa la ogeyn siday u aqbali doonaan xildhibaanada baarlamaanka.

