Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wax kama jiraan ka dhigay wararka sheegaya inuusan awood Siyaasadeed ku dhex laheyn dalka.
Madxaweyne Xassan waxa uu sheegay in dalka Somalia uu hal madaxweyne leeyahay islamarkaana uu amarkiisa un soconaayo, isaga oo wax kama jiraan ka dhigay in Beesha Caalamka ay maamusho Siyaasada Somalia, gaar ahaan tan Xassan Sheekh.
Xassan waxa uu suuragal ku sheegay in Beesha Caalamka ay Somalia ka caawiyaan dhanka talooyinka iyo waxyaabaha aysan Somalia khibrada u laheyn, balse balanka uusan aheyn in Caalamka uu maamulo Siyaasada Somalia.
Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in Beesha caalamka aysan u talin Somalia , islamarkaana ay yihiin Madax xor u ah go’aanada ay qaadanayaan, taasina ay muujineyso in Beesha Caalamka aysan u talin Dowlada Somalia.
”Dadka aan raaliga ka aheyn in Somalia ay ka baxdo dhibka waxa ay mar waliba hal ku dhig ka dhigtaan in Beesha Caalamka ay madax ka tahay Somalia Dowladuna tahay mid magac u yaal ah, waxaan cadeynayaa in Beesha Caalamka uusan Somalia amar ku laheyn markii laga soo tago talooyin”
”Dowlada wixii aysan awood u laheyn dabcan wey la wadaagi kartaa caalamka, balse waxaan suuragal aheyn in Madaxda dalka ay mar waliba ku shaqeeyan amarka caalamka taas ma dhicin mana dhici doonto”
”Soomaaliya waxaa leh shacabka Soomaaliyeed waa in leyska dhaafa wararka aan wanaagsaneyn ee warbaahinta loo marinaayo Dowlada, Beesha Caalamka wadankaani ayay marti u tahay goortii ay Soomaali xal gaarto ayay iyagana ka bixi doonaan”
Dhanka kale, Madaxweyne Xassan waxa uu iska fogeeyay in Dowlada Somalia ay Siyaasad ahaan ku tiirsan tahay Caalamka intiisa kale, isaga oo farta ku goday in Madaxda Soomaalida ay u madax-banaan yihiin Siyaasadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

