27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Xog: Baaritaan qarsoodi ah oo ku socda XASAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxeysa in Xubno ka tirsan QM ay wadaan baaritaano qarsoodi ah oo ku socda Akoonada Madxaweyne Xassan Sheekh Maxamuud ee uu ku keydsado dhaqaalaha.

Xubno ka socda dabagalka QM oo ka kooban ilaa Todobo xubnood ayaa la sheegayaa in magaalada Muqdisho ay u joogan la socodka dhaqaalaha xatooyada ah ee ku maqan Xassan Sheekh, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in xubnahaasi ay xogaha la wadaagayaan Xubno iyaga si gaar ugu shaqeeya oo ka tirsan DFS.

Ujeedka xubnahaani ayaa ah in marka hore ay uruuriyaan xogta kadibna ay baaritaan kula dhaqaaqan Hantida Xassan Sheekh uu ka tacbaday Hantida Qaranka.

Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu leeyahay dhowr Akoon oo siyaabo kala duwan loo adeegsado, waxaa Akoonadaasi la xaqiijiyay in lagu qoray magacyada Carruurtiisa, halka qaarna uu u isticmaalay shaqsiyaad kale.

Baaritaankaani ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia ay u diyaar garoobeyso qabashada Doorasho ka dhacda dalka, waxa ayna tani soo degdegtay kadib markii la ogaaday in Hanti Qaran oo Dowladaha saaxiibada la ah Somalia ugu deeqday Somalia laga waayay qasnada Dowlada.

Docda kale, Haddii ay rumowdo lunsashada iyo Tuhunada laga qabo Akoonada Xassan Sheekh ee baaritaanka ku socda ayaa waxaa suuragal ah in sidoo kale ay saameyn ku yeelato Shaqsiyaad kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News