Xasan iyo Jawaari oo si mideysan u aqbalay qodob uu muran ka taagnaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa markii ugu horeysay si mideysan u taageeray go’aanka qoondada loogu sameynaayo Haweenka Soomaaliyeed.

Xassan Sheekh iyo Jawaari ayaa taageeray qoondadaasi xili ay Villa Somalia kulan kula qaadanayeen haweenka xubnaha ka ah BFS iyo haween ka tirsan ururrada bulshada, waxa ayna xaqiijiyeen in si wada jir ah ay u taageersan yihiin hanaanka lagu qancinaayo Haweenka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Hogaamiyayaasha Madasha ay go’aan ka gaaren qoondada Haweenka waxa uuna sheegay in si cad loo meelmarin doono haweenka qoondadooda.

Xassan waxa uu sidoo kale, Haweenka ku qanciyay in kulankii ay wada qaaten Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August leysla soo qaaday in Haweenka lasiiyo qoondo dhan 30%, hayeeshee leysla gartay in Haweenka la siiyo tirro ay ku qancayaan.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhankiisa ka sheegay inuu taageersan yahay go’aanka uu Xassan Sheekh ku qaatay qancinta Haweenka waxa uu cadeeyay in dowlada Federaalka aysan meel cad uga tagi doonin Haweenka.

Jawaari waxa uu sheegay inay ka go’an tahay wax u qabadka Haweenka isagoo sheegay in Haweenka ay laf dhabar u yihiin dowlada.

Madaxweyne Xassan iyo Guddoomiye Jawaari ayaa si mideysan u taageeray go’aanka lagu raali galinaayo Haweenka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com