25.2 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso: Xasan Sheikh oo xaaqiijiyey kana hadlay Khilaafka isaga Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo galabta u waramaayay Laanta Af-Soomaaliya ee VOA, ayaa daboolka ka qaaday inuu jiro Khilaaf kala dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in Khilaafka uu yahay mid ku imaaday kala aragti duwanaansha u dhexeeya isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda C/weli Sheekh Axmed Maxamed,balse ma uusan sheegin waxa khilaafkaas sababay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu warkaani Galabta ku sheegay inuu Khilaafka uu ahaa mid maalmahaani taagnaa, waxaana uu sheegay in aysan macquul ahayn Xukuumadda iyo dowladnimada dhexdeeda in mar walba dadku ay isku aragti noqdaan, isagoo xusay in isaga iyo ra’iisul wasaaruhu ay is khilaafsan yihiin, mar walibana uu Khilaafku imaanayo.

Nuqul kamid ah haddalka uu bixiyay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa “Dadku isku ra’yi maaha shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay haddii uu alle idmo berina waa lasii kala duwanaan karaa oo wax micno ah kuma fadhiso, aniga gaar ahaan ma u arko wax caqabad ah oo sii wayn oo welwel iyo cabsi ah inay jiraan’’

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’ Siyaasadu badi dadku kuma midoobaan, waana  kala duwanahay waxaa laga yaaba in anagoo kala duwan wada socono oo wada shaqeyno insha allah kala duwanaanshahaas waxaan ku dhammaynaynaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka dalkeennu maanta uu lee yahay intii suurtogal ah inaan isticmaalno” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca kale, haddalka Madaxweynaha ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmo ka hor uu munaasabad ka dhacday dalka Britain laguna soo dhaweynaayay uu beeniyay inuu jiro wax khilaaf ah oo kala dhexeeya Madaxweynaha Dalka, balse taasi waxa ay ka danbeysay kadib markii dadkii joogay Munaasabada ay culeyska ku saareen  Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed inuu cadeeyo wararka sheegaya in Xassan Sheekh uu kala dhexeeyo Khilaaf.

Waxaan la ogeyn halka uu ku dambayn doono khilaafka soo shaac baxay ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Halkan ka dhageyso wareysiga Xasan Sheekh

Caasimada Onlin

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News