25.1 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

AXMED MADOOBE oo $50,000 bixiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismayo(Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lacag dhan $50,000 wuxuu ugu deeqay in wax looga qabto abaarta ka jirta deegaannada Jubbaland ee uu maamulkiisa ka arrimiyo.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in deeqda lacagta uu ugu talagalay in si horudhac ah biyo iyo raashin loogu iibiyo dadka ay abaartu saameysay, isagoo xusay in abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ay ka jirta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu sheegay inay sameeyeen guddi qaabilsan wax ka qabashada abaarta, oo ka kooban wasiirro iyo ganacsato, kaas oo la doonayo inuu si deg-deg ah ula tacaalo xaaladda abaarta ee gobolka.

Wuxuu u jeediyay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya inay gargaar deg-deg ah la soo gaaraan dhibbaneyaasha abaarta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News