Xamar oo loogu diyaar garoobayo sidii loo cirib tiri lahaa geed Yahuudi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Dalka oo taagero ka helaysa Hay’ad lagu magacaabo Siisal waxa ay tababar u furtay Xubno matalayay Maamuladda Gobollada Banaadir , Shabellaha Hoose iyo Hiiran.

Waxaa aqoon kororsigan lagu baranayay ka hortagga faafitanka Geed Yahuudka , ama caligaroobka sida badi dadku u yaqaaniin , kaas oo la sheegay in wax soo saarka dalka uu ku leeyahay saamayn aan wanaagsanayn .

Waxaa furay tababarkaas wasiir ku xigeenka wasaaradda Howlaha guud iyo Dib u dhiska dalka , Maxamed Ismaaciil Shuriye oo ka hadlay sida uu ula falgalo Geedyahuudka abaaraha ku soo noqnoqda Dalkan.

Andrew oo ka socday Hay’adda Secil ayaa sheegay in muhiim ay tahay in loowada istaago cirib tirka geedkan oo uu yrii waa mid faafid badan .

“Labaatan sano oo dagaal ah kadib Somalia waxaa ka beermay meelaha qaar geedo aad u waawayn oo geedkan cali garoobka uu ugu horeeyo sida aan ku aragnay mar horre dalalka Ethopia , India , South iyo Kenya Africa , balse waxa ay Somalia u baahan tahay ayaa ah in dadka iyo degaanka loo micna sheego in suulinta geed yahuudku ay u wanaagsan tahay wax soosarka dalka .

Waxa ayna arintan dhaba qaadisteedu ay qaadanaysa , Howl culus , Qayraad badan iyo shaqaalo badan si loo hortago faafinta geed yahuudka , waxaana bilownay maanta sidii dadkan aan ugu sheegi lahayn durba faafitaanka geedkan iyo saamaynta uu degaanka ku leeyahy .

Hadda hadaad eegto degmooyinka Muqdisho sida shangani , waxaad arkaysa saamaynta uu ku yeeshay geedkan , oo faafayay 20-kii sano ee la soo dhaafay”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com